Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumad rasmi ah u diray Samia Suluhu

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumad rasmi ah u diray Samia Suluhu

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxweynaha dalka Tanzania, Samia Suluhu Hassan, taas oo ku aadan inay booqasho ku imaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Warqadda casuumadda ah ayaa waxaa maxadaweynuhu ugu dhiibay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo hadda ku sugan dalkaasi, kaas oo gaarsiiyay Samia Suluhu.

Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay madaxweynaha Tanzania ayaa shaaca ka qaaday inay aqbashaday casuumadda madaxweyne Xasan Sheekh, ayna imaan doonto Muqdisho.

Ujeedka ayaa ah in labada dhinac ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya, sidoo kalena ay is dhaafsadaan booqashooyin ay sameynayaan madaxda labada dal.

Sidoo kale Xamza ayaa madaxweynaha dowladda Tanzania uga mahadceliyay dhul ay dowladda federaalka siisay, kaas oo lagu dhisi doono  safaaradda Somalia ee dalkaasi

“Mudane Xamza ayaa madaxweyne Samia uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyadda taas oo ku saabsan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aqbashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu ka codsaday dowladda Tanzania in ay codkeeda ku taageerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noqoshada Xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025–2026.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale kala hadlay Samia Suluhu xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed oo weli ku xiran xabsiyada Tanzania si loogu wareejiyo dowladda , isla-markaana inta uga harsan xukunnadooda ay ugu dhameystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleSarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo Soo Gaaray Muqdisho
Next articleAlshabaab oo Weerar ku Qaaday Ciidamo ku Sugnaa Bakaaraha iyo Mid kamid ah Ragii Weerarka Qaaday oo la qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here