Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxweynaha dalka Tanzania, Samia Suluhu Hassan, taas oo ku aadan inay booqasho ku imaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay madaxweynaha Tanzania ayaa shaaca ka qaaday inay aqbashaday casuumadda madaxweyne Xasan Sheekh, ayna imaan doonto Muqdisho.
Ujeedka ayaa ah in labada dhinac ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya, sidoo kalena ay is dhaafsadaan booqashooyin ay sameynayaan madaxda labada dal.
“Mudane Xamza ayaa madaxweyne Samia uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyadda taas oo ku saabsan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aqbashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale kala hadlay Samia Suluhu xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed oo weli ku xiran xabsiyada Tanzania si loogu wareejiyo dowladda , isla-markaana inta uga harsan xukunnadooda ay ugu dhameystaan gudaha dalka Soomaaliya.