Home Wararka Somaliya Somaliland Waa kuma Faratoon, oo ku guuleystay xilkii uu labo sano ka hor...

Waa kuma Faratoon, oo ku guuleystay xilkii uu labo sano ka hor guul-darrada kala kulmay?

0

Maanta, magaalada Hargeysa waxaa ka dhacay doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somaliland, Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday. Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaana ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35

labo sannadood ka hor ayuu xilkaan u tartamay Faratoon oo markaasi guul darro kala kulmay. Waxaa markaas ay tartameen Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ka guuleystay kaas oo helay 42 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Hase yeeshee Cabdirisaaq ayaa banneeyay jagadii guddoomiyaha ee xilligaas oo loo doortay sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ka socda ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.

Faratoon wuxuu wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ka soo qabtay dowladda Madaxweyne Muusa Biixi. Waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga Kulmiya ee Talada haya.

Waa kuma Faratoon?

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.

Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday.

Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada, wuxuuna madax ka noqday Qaybtii Waxbarashada Dadka Waaweyn.

Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wuxuu dhigtay Jaamacadda Manchester.

Sannadkii 1980-kii ayuu ka mid ahaa saraakiil lagu eedeeyey Kacaandiid, wuxuuna si dhuumasho ah markii danbe ugu safray dalka Qatar halkaas oo uu muddo ku noolaa.

Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ahaa aasaaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Soomaliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee gobolka Sool ee Somaliland.

Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, ka dib markii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magacaabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada.

Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka.

Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ahaa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu noqday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay.

Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017.

Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo xilkaa hayey ka hor inta aanu isu sharrixin xildhibaan golaha wakiillada ah, isaga oo haatanna u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagaga guuleystay.

Ad
Previous articleXildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta guddoon cusub doortay
Next articleDowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay inay Xiriir La Leedahay IRAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here