Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay inay Xiriir La Leedahay IRAN

Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay inay Xiriir La Leedahay IRAN

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa markii u horeysah ka hadlay wararka la xiriira inuu jiro xiriir wada shaqeyneyd oo dowladda Soomaaliya ah la leedahay wadanka Iiraan.

Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ka jawaabayay su’aalo ay shaqada wasaaradiisa ka weydiinayeen guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa beeniyay iney wax xiriir ah la leeyihiin dowladda Iiraan.

“Ma jiraan diblumaasiyiin noogu qoran safaaradda Iran, kuwii noogu qornaa waan kasoo raranay. Haddiise ay jiraan shakhsiyaad iskood u tagay, waa wax gaar ah. Mana ahan wax ku sallaysan siyaasada wasaaradda” ayuu jawaab celinta ku yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Wasiir Haruuse ayaa dhinaca kale beeniyay inuu jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda, oo mushaar toos ah ka qaata safaaradda Iran ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo arrintaasna ganafka ku dhuftay

Ad
Previous articleWaa kuma Faratoon, oo ku guuleystay xilkii uu labo sano ka hor guul-darrada kala kulmay?
Next articleMasuulkii Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir ee Lasheegay inuu Alshabaab u goostay oo Saxaafada Lahadlay war layaab lehna sheegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here