Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey Dilka loogaystay Hassan Ahmed Abdulle

Wararkii ugu danbeeyey Dilka loogaystay Hassan Ahmed Abdulle

0

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay fiidkii dukaan kuyaalla xaafada side B oo ka tirsan Degmada isku raranka ah ee Khayelitsha ee magaalada Magaalada Cape Town ,ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ka shaqeenayay.

Burcada hubeesan ayaa la sheegay in rasaas la dhaceen sidaasna ku dhintay Hassan Ahmed Abdulle oo ku sugnaa dukaanka la weeraray, waxaana dilka kaddib kooxda burcada ah horay usii qaateen lacago iyo agabyo kale oo dukaanka yaalay.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay baarayaan falkan dilka ah ayna gacanta kusoo dhigayaan kooxihii ka dambeeyay.

Deegaanka Khayelitsha oo hoostaga magaalada Cape Town waxaa goobo badan oo ganacsi ku leh ganacsato Soomaaliyeed, waxaana deegaankan uu kamid yahay deegaannada sida weyn loogu dhibaateeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool.

Dalka Koonfur Afrika waxaa sannadihii lasoo dhaafay lagu laayay kumanaan Soomaali ah oo u badan dhallinyaro, dadkan la dilay ayaana dalkaasi u tagay in ay nolol ammaan ka helaan, balse la kulmay xaalad ka duwan tii dalkooda hooyo uga carareen.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMaxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Tageertay Dibadbaxyada Kasocda Kenya
Next articleCiidama Farabadan Watana Hub Culus oo Gaaray Galmudug Xili Abaabul Xoogan Socdo