Home Wararka Maanta Ciidama Farabadan Watana Hub Culus oo Gaaray Galmudug Xili Abaabul Xoogan...

Ciidama Farabadan Watana Hub Culus oo Gaaray Galmudug Xili Abaabul Xoogan Socdo

0

Ciidamo Farabadan oo wata Hub Culus iyo Gadiid Dagaal oo saacadihii lasoo dhaafay Gaaray Deegaano Ka Tirsan Galgaduud Gaar ahaan Degmada Galcad iyo Ceel dheere Ciidamadaan ayaa Xoojiaaya Ciidamo Kale oo dhawaan Gaaray Deganadaas.

Ciidamadaan ayaana Ka Baxay Magaalada Muqdisho Dhawaan Ayaa Lafilayaa In Wajiga Labaad ee dagaalka uu ka bilowdo Galmudug oo Alshabaab Qaybo yar Haatan uga Suganyihiin.

Taliyaha Ciidamada Lugta ayaa Shalay Gaaray Degmada Galcad oo uu kawado abaabul xoogan Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa lafilaayaa inuu Gaaro Dhuusamareeb oo uu ka hagi Doono Dagaalka Galmudug looga saaraayo Alshabaab.

Galmudug ayaa lafilayaa inay noqoto maamulkii ugu horeeyey ee Alshabaab laga Saaro hadii Qorshaan Guulaysto Laba Maalin kahor ayaa Ciidanka Xooga iyo Alshabaab wuxuu Dagaal Qaraar Ku dhexmaray Budbud oo Alshabaab maamulaayeen waloew Dib Usoo laabteen Ciidamadii Weeraray Magaaladaas.

Dagaalka Wajiga labaad ayaa lafilayaa inuu ka duwanaado dagaalka wajigii koowad oo si kedis ah ku nilowday balse Dagaalkaan ayaa Dowlada Soomaaliya waqti Dheere u diyaar Garobaysay ayadoo la shaaciyay inay ka qaybqaadan doonaan Diyaaradaha Imaaradka Carabta.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Dilka loogaystay Hassan Ahmed Abdulle
Next articleWAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Dagay Magaalada Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here