Home Wararka Maanta Maxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Tageertay Dibadbaxyada Kasocda Kenya

Maxkamada Sare ee Dalka Kenya oo Tageertay Dibadbaxyada Kasocda Kenya

0

Dalka Kenya waxaa beri oo Arbaco ah la filayaa in ay ka bilowdaan dibad-baxyo waa weyn oo rabshada wata , kuwaa ay dhigayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka uu hoggaamiyo Raila Odinga.

Dibad-baxyada bilaabanaya beri ayaa lagu wadaa in uu socdo saddex maalin oo xiriir ah, waxaana inta ay socdaan dibad-baxyada la filayaa in ay hakad galaan ganacsiga iyo sidoo kale isku socodka dadweynaha.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah dibad-baxyada la filayo in ay ka dhacaan Kenya saddexda maamin ee soo socota, waxaana maxkamadda laga codsaday in ay soo saarto go’aan lagu joojinayo dibad-baxyada.

Maxkamadda ayaana ku gacan seertay codsigan loo gudbiyya oo ku saabsanaa in la hakiyo debed-baxyada qorshaysan ee la filayo in mucaaradku ay ka dhigaan guud ahaan dalka Kenya, kuwaas oo ay kaga soo horjeedan xukuumadda William Ruto.

Dibad-baxyada beri ka bilaabanaya dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan rabsho iyo khasaarooyin nafeed , dowladda ayaana sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin wax bur burin iyo boob ayna kahor tagayaan kuwa rabshada wada.
Ad
Previous articleAlshabaab oo Markale Xalay Weerar ku Qaaday Magaalada Baydhabo iyo Xaalada xakiran oo ku jirto Magaladaas
Next articleWararkii ugu danbeeyey Dilka loogaystay Hassan Ahmed Abdulle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here