Dalka Kenya waxaa beri oo Arbaco ah la filayaa in ay ka bilowdaan dibad-baxyo waa weyn oo rabshada wata , kuwaa ay dhigayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Dibad-baxyada bilaabanaya beri ayaa lagu wadaa in uu socdo saddex maalin oo xiriir ah, waxaana inta ay socdaan dibad-baxyada la filayaa in ay hakad galaan ganacsiga iyo sidoo kale isku socodka dadweynaha.
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah dibad-baxyada la filayo in ay ka dhacaan Kenya saddexda maamin ee soo socota, waxaana maxkamadda laga codsaday in ay soo saarto go’aan lagu joojinayo dibad-baxyada.
Maxkamadda ayaana ku gacan seertay codsigan loo gudbiyya oo ku saabsanaa in la hakiyo debed-baxyada qorshaysan ee la filayo in mucaaradku ay ka dhigaan guud ahaan dalka Kenya, kuwaas oo ay kaga soo horjeedan xukuumadda William Ruto.