Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalkii ugu horreeyay la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan oo mar kale guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi.
Xasan Sheekh ayaa si gaar ah dhiggiisa Turkiga ula wadaagay farriinta hambalyada ah ee ku aadan guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoontay waddankaasi.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.
Sidoo kale ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.
Kulankan ayaa kusoo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay aftidii dhowaan ka dhacday dalka Turkiga oo ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay.