Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab inta aysan soo gelin gudaha deegaanka ay dagaal kala hortageen ciidamada, kaas oo ka dhacay bannaanka deegaanka, sidaasna waxaa ku fashilmay weerarka, sida ay ku warantay wabaahinta ku hadasha afka dowladda.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay weerarkan wuxuu sheegay in lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay inay firxadeen raggii duulaanka soo qaaday, wuxuuna intaas ku daray in khasaaraha iyo faahfaahinta guud ay dib ka shaacin doonaan.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.