Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga iyo Wasiiro kale oo Gaaray Suuqa Bakaaraha Xili amaanka Muqdisho...

Wasiirka Amniga iyo Wasiiro kale oo Gaaray Suuqa Bakaaraha Xili amaanka Muqdisho Soo Hagaagaayo

0

kormeer indha-indheyn ah ku tegay suuqa  Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Wasiiru-dowlaha amniga iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, xilli uu amniga caasimada soo hagaagayo bilihii ugu dambeeyay.

Doodishe iyo Al-Cadaala ayaa waxa u kuur-galeen xaaladda suuqa weyn ee Bakaaraha, ayaga u kuur-galay amniga suuqa, iyaga oo kormeer ku maray qeybaha suuqa, oo markii hore ay canshuur ka qaadi jireen kooxda Al-Shabaab, taasi oo inta badan meesha laga saaray xilligaan.

Wasiiraddan ayaa waxay kasoo dukaameysteen dukaamada kala duwan ee ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha, iyaga oo intaas kadib usii gudbay dhanka isgoyska Balaksi, halkaasi oo ay kula kulmeen dhalinyaro waqti ku qaadanayay hoteel ku yaall halkaasi.

Bulshada caasimada ayaa dowladda iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ku bogaadiyay isbeddelka amniga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo horseeday in xubno wasiiro ah ay kormeer ku tagaan suuqa Bakaaro, oo markii hore ay adkeyd inay tagaan halkaasi.

Wasiiradan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa usii jiheystay warshada weyn ee warshadaha ayaga oo socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam iyo beerta deegaankaas oo boqolaal dad ah u dalxiis tageen.

Amniga caasimada ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, ayada oo ciidan cusub lagu biiriyay kuwii hore ugu sugna, illaa saddex kun oo askari oo lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmooyin ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda.

Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cusub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin.

Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kordhiyay sida aan xogta ku helnay, kuwaasi oo toos u dhex galay shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caasimadda.

Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaxakamadda ugu sarreysa ee Pakistan oo go’aan ka soo saartay xariga Cimraan Khan
Next articlehaweeney afduub lauaab leh ku Samaysay gabadheeda oo Xabsi la dhigay