Home Wararka Maanta haweeney afduub lauaab leh ku Samaysay gabadheeda oo Xabsi la dhigay

haweeney afduub lauaab leh ku Samaysay gabadheeda oo Xabsi la dhigay

0

Booliska Nigeria ayaa sheegay in ay xireen haweeney afduubatay gabadheeda si ay lacag madaxfurasho ah uga dalbato seygeeda hore oo ahaa aabaha ka dhalatay gabadha.

Haweeneydan oo 25 jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay afduubatay Xafsat Kabiru oo ah gabar uu dhalay ninkeedii hore, waxayna ka codsatay inuu uu bixiyo lacag madax furasho ah oo dhan 6485 oo Dollar.

Haweeneyda ayaa lala xiray qof kale oo dumar.

Labadan haween ayaa ka mid ah 10 qof oo ay booliska Kano ee dalka Nigeria ku edeeyeen inay qorsheynayeen afduubashada caruur aan qaangaarin oo ku nool Kano, si ay malaayiin dollar oo madaxfurasho ah uga qaataan.

Waxa sidoo kale lagu edeeyay inay gobolka Kano ka geysteen dambiyo kala duwan, sida dhac, afduub iyo ka ganacsiga daroogada.

Ad
Previous articleWasiirka Amniga iyo Wasiiro kale oo Gaaray Suuqa Bakaaraha Xili amaanka Muqdisho Soo Hagaagaayo
Next articleHorjooge Maxamed Gaagaale oo Qorshe uu Ka waday Ceelbuur oo Qarka Usaaran inuu Fashilmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here