Waxaa Xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar ka dhacay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay ammaanka magaalada Muqdisho iyo howlgalada lagula dagaalamayo dhaqan xumada iyo isticmaalka maan-dooriyaha.
Kulankan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Wasiir dowlaha Wasaarada Amniga, taliyaha Ciidanka Boliiska iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo masuuliyiin kale.
Waxaa sidoo kale kulanka caawa dhacay kasoo qeyb galay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo taliyaasha saldhigyada qaarkood, kuwaa oo goob joog ka ahaa kulanka looga hadlayay ammaanka caasimadda.
Kulankan madaxda iyo Saraakiisha ka hadashay ayaa si wadajir ah waxa ay u amaaneen hey’addaha amniga iyo maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay amniga caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.