Isimida SSC oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Duqa degmada Laascaanood ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Qeybta Guud ee gobolka Sool.
“Golaha Isimada Dhaqanka ayaa saraakiisha Ciidanka Booliska ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ciidanka Boolisku ay u hayaan shacabkooda.”
Isimida SSC ayaa faray dhammaan ciidanka Booliska inay sii labo jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga guud ee magaalada, islamarkaana gacan bir ah ku qabtaan dhamaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida.
Masuuliyiinta ay horkacayeen Isimida ayaa sidoo kale waxay kormeer indha-indheyn ah kusoo mareen xabsiga dhexe ee degmada Laascaanood, iyaga oo u kuur galay duruufaha uu ku shaqeeyo xabsigaasi.
“Waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay hawl-gelinta dhamaan xarumaha adeegyada dadweynaha ee degmada Laascaanood.”
Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo oo bishii la soo dhaafay lagu aas-aasay magaalada Laascaanood ayaa tan iyo markaasi waday howl-gallo ay ku xaqiijinayaa amniga xarunta gobolka Sool.