Home Wararka Maanta Midowga Musharixiinta oo shuruud hor-dhigay Ra’iisul Wasaare Rooble

Midowga Musharixiinta oo shuruud hor-dhigay Ra’iisul Wasaare Rooble

0

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamed Geelle ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, Shirka wadatashiga doorashooyinka ee ka furmaya Magaalada Muqdisho iyo isbedelda ka dhacay.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa marka sheegay in Midowga Musharixiinta ay rtaageersan yihiin hanaanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble kula wareegay doorashada ayna la Shaqeeynayaan.

Sidoo kale Musharax Daahir Geelle ayaa ka dalbaady Ra’iisul Wasaaraha in aragtidiida uu ku muujiyo in hogganka uusan kala gedisneyn balse kaliya aragtida ay kala gedisan tahay, sidoo kalena Shirka 20-ka Bisha May uu gundhigiisu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamed Geelle ayaa sidoo kale sheegay in shirka wadatashiga doorashooyin uu noqdo mid loo wada dhan yahay oo ay ka qeyb galaan, Midowga Musharixiinta, Beesha Caalamka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo cid kasta oo kasoo Shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamed Geelle ayaa waxaa ka hadlay warar lagu faafinayay Baraha Bulshada ee ku aadanaa in uu khilaf soo kala dhex-galay Midowga Musharixiinta, waxana uu sheegay in Musharixiinta ay yihiin kuwo Mideysan.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleFaahfaahino laga helayo Dagaal ka dhacay Magaalada Jowhar
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Caawa soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb-galo Shirka Doorashada (Sawiro)