Home Wararka Somaliya Faahfaahino laga helayo Dagaal ka dhacay Magaalada Jowhar

Faahfaahino laga helayo Dagaal ka dhacay Magaalada Jowhar

0

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Hir-Shabaeelle iyo kuwa Macaawiisleeyda ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Dagaalka ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in uubsalka ku haayo kadib markii laamaha Amniga Magaalada Jowhar ay xireen Taoiyaha Ciidamada Macaawiisleey ee la dagaalama Al-Shabaab.

Dad ku sugan Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Macaawiisleeyda ay weerareen Goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle, iyaga oo ka careeysan xariga taliyahooda.

Xaalada Magaalada Jowhar ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli ka socda dagaalka u dhaxeeya qaar kamid ah Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Booliska Magaalada Jowhar oo dhinac ah iyo kuwa Macawiisleeyda.

Ad
Previous articleGalmudug oo ka war bixisay Qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo
Next articleMidowga Musharixiinta oo shuruud hor-dhigay Ra’iisul Wasaare Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here