Home Wararka Maanta Ruushka oo xabsiga dhigay weriye lagu eedeeyey inuu u basaasayey Mareykanka

Ruushka oo xabsiga dhigay weriye lagu eedeeyey inuu u basaasayey Mareykanka

0

Dowlada Ruushka ayaa xabsiga dhigtay weriye Evan Gershkovich oo dalkaas u dhashay ka dib markii lagu eedeeyey inuu u basaasayey dowlada Mareykanka

Wargayska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay badqabka Evan Gershkovich oo ka mid ah wariyayaashiisa, kaasoo lagu xiray bartamaha dalka Ruushka.

Waaxda amniga gudaha ee Ruushka, FSB, ayaa goor sii horreysay xaqiijisay in weriyaha, Evan Gershkovich, lagu xiray magaalada Yekaterinburg.

FSB waxay intaa ku dartay inuu ururinayey macluumaadka sirta ah ee warshadaha difaaca Ruushka

Afhayeenka Kremlin-ka, ayaa sheegay in Gershkovich sida muuqata lagu qabtay isagoo dambi gacanta kula jira. hase ahaatee Wargayska Wall Street Journal, ayaa si adag u beeniyay in wariyuhu yahay basaas.

Waa wariyihii ugu horeeyay ee ka tirsan warbaain Mareykanka laga leeyahay, ee lagu xiro dambiyo basaasnimo ah dalka Ruushka muddo ku dhow 40 sano.

Ad
Previous articleCiidamada Unkad oo Dagaal Culus ku Qaaday Daacish iyo Dagaal Culus oo socda
Next articleDagaal Qaraar oo kasocda Magaalada Laasacaanood Xili uu Maraykanku Soomaaliland u Hanjabay