Home Wararka Maanta Alshabaab aruuniyay Zakawaat oo la Laayay iyo Dowlada oo ka Hadashay

Alshabaab aruuniyay Zakawaat oo la Laayay iyo Dowlada oo ka Hadashay

0

Dowlada Somalia ayaa shaacisay iney howgalo kala duwan ku qaarajisay 20 ka tirsan saraakiisha Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta Dhaqaalaha iyo wax ay ugu yeeraan Sakawaatka.

War-saxaafadeed ka soo baxay DF ayaa sidoo kale lagu sheegay in la qabtay oo lala wareegay 15 gaari oo Al-shabaab u adeegsan jireen ururinta dhaqaalaha.

“Waxaa la qaarajiyay 20 ka mid ah horjoogayaasha qaabilsanaa uruurinta dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta, waxaa sidoo kale cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 ka tirsan maleeshiyaadka sida gaarka ah ilaalada uga ahaa baadda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed iyo 15 Gaari oo ah kuwa ay ku uruurin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaarkoodna la burburiyay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

DF waxay sheegtay iney ugaarsaneyso shaqsiyaad weli ku howlan kala gudbinta iyo ururinta dhaqaalaha laga qaado ganacsatada iyo dad kale ee Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta dowlada Somalia C/raxmaan Al-Cadaala ayaa saaka sheegay in la curyaamiyey %50 dhaqaalihii kooxda Al-shabaab qaadi jireen dadka ayna haatan kooxdaas ku jirto marxalad adag, isagoo xusay in DF sii wadi doonto curyaaminta dhaqaalaha kooxdaas.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya Oo Sharci Adag kasoo Saaray Mooto Bajaajta
Next articleCiidamada Unkad oo Dagaal Culus ku Qaaday Daacish iyo Dagaal Culus oo socda