Ciidamada Danab ee Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan warar dhowaanahan qabsaday baraha bulshada oo ku aaddan sakaal horey uga tirsanaa Danab oo lagu dilay magaalada Laascaanood.
Taliyaha Danab, Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa sheegay in Maxamed uusan wax xil ah ka heyn Guutada Danab, markii uu ku dhintay dagaalka Laascaanood, islamarkaana Danab uu 2011 uga tegay sababo shaqsi.
“Waxaan xaqiijin karnaa in aanu wax shaqo ah ku lahayn Guutada Danab ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii nasiib darro uu ku dhintay dagaalka ka socda Laascaanood,” ayuu yiri.
Beeryare ayaa sheegay in hadafka koowaad ee Danab uu yahay inay la dagaalamaan ururada argagixisada ee gudaha Soomaaliya.
“Waxaan rabnaa in aan carrabka ku adkeyno in Danab ay si buuxda uga go’an tahay ujeeddadaas oo aysan geli doonin wax dagaal beeleed ama arrimo la xiriira qabiil,” ayuu yiri taliye Axmed Cabdullaahi Beeryare.
“Waxaan rajeyneynaa in bayaankan uu meesha ka saari doono isfaham waaga jira, islamarkaana uu cadeynayo doorka Ciidanka Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”
Hadalka Beeryare ayaa xoojinaya mid horey uga soo baxay Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage oo sheegay in sarkaalkii isaga oo xubin ka ah ciidanka qaranka ee qayb ka noqda colaadda Laascaanood uu sidaas ku wayn karo xubinamadiisa.
Balse taliye Odowaa wuxuu ku adkeystay in aysan jirin askar xubno ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay ku ogyihiin dagaalka Laascaano, askarigii ku biirana uu lumin doono xubinimadiisa ciidanka.