Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow Tiirka Toogashada Gaysay si looga Oofiyay xadkii Qasaasta ahaa Biyamaalow, Jeego & Dhaqtar Fanax, waxa ay sedaxdaba u wada fuliyeen Qaraxyo iyo Dilal iyagoo La Shaqaynaayay Alshabaab
1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).
Oo ka Tirsanaa Cidamada Dowlada si Hoosena ula Shaqaynaayay Lacagna ka Qaadan Jiray Alshabaab kaas oo Ciidamo Ka Tirsan Alshabaab geeyey Garoonka Aadan Caade kuwaas oo Dilay Ajaanib iyo Askar Amisom ka Tirsan.
2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).
Oo Asna Sheegay inuu Ka Carooday Xil laga Qaaday darteed Go,aansaday inuu Alshabaab u Fududeeyo Qaraxo Dad badan Ku Dhibteen oo ka kala Dhacay Liido iyo Mallka Xamar wayne.
3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).
Dr Fanax ayaa Asna Qirtay inuu Ka Tirsabaa Alshabaab Dilayna Dad Badan oo Shacab ah iyo Xildhibaanada Aamni oo Sanadkii Hore lagu Dilay Bakadweyne.
Sarkaal Hore, Sarkaal shaqeynayay & Sarkaal iyo Dhaqtar sheegad ayay kala ahaayeen.