Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Garsoore Maxamuud Caraale oo lagu Dilay Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Garsoore Maxamuud Caraale oo lagu Dilay Muqdisho

0

Gudoomiyihii hore ee Maxkamada degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa shalay galinkii Danbe  lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Sheekh Maxamuud Caraale ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa culimada ku xeeldheer garsoorka ee laga yaqaanay degmada Wadajir oo uu ka soo shaqeeyey in muddo ah.

Laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir  ayaan ka hadlin illaa hadda dilka loo geystay Sheekh Maxamuud Caraale.

Weli ma jirto cid sheegatay dilka Gudoomiyihii hore ee Maxkamada degmada Wadajir inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Ad
Previous articleJahwareer ka dhashay dhac loo geystay guri uu leeyahay weeraryahanka Liverpool
Next articleDrkii Dilaaga ahaa Kaptan Jeego iyo Biyamaalow oo Saakay La Toogtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here