Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka
Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow waxa ay ku dileen xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmadaasi, waxaana marxuumka da’diisa lagu sheegay 12 sanno jir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in wiilka yar lagu dhuftay illaa 7 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo ciyaal weerarada geysatay falkan ay baxsadeen.
“Canuga ciyaal weero ayaa dishay meeshaas ayey ku heleen, waa laga kala orday way jiiteen dar xumo ayey u dileen,” ayey tiri haweeney kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale maydka marxuum Cabdirisaaq ayaa waxaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista ee CID-da, su baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.
Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay shalay ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal ka dhan ah ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan kooxahaasi.
Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.