Home Wararka Maanta Garaadyada SSC oo shuruud cusub ku xiray wada-hadal ay la furaan Somaliland

Garaadyada SSC oo shuruud cusub ku xiray wada-hadal ay la furaan Somaliland

0

Isimada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa war kasoo saaray wada-hadalka ay ku baaqday Somaliland iyo ergada Isimida ah ee uu maamulka Muuse Biixi u dirayo.

Garaadada dhaqanka ee Laascaanood ayaa sheegay in ay wada-hadal la galayaan Isimida dhaqanka ee ka socda maamulka Muuse Biixi haddii uu maamulkaasi fuliyo laba shardi oo ay soo bandhigeen.

Waxay sheegeen in marka hore ay rabaan in ciidamada Somaliland laga dulqaado magaalada Laascaanood, halka shardiga labaad ay ku sheegeen in xabad joojinta dhanka Somaliland shuruud la’aan u dhaqan-geliso.

“Labadaas qodob haddii uu ka dhaqan-galo dhinaca xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, waa loo gudbi karo wada-hadalka kale ee xalka loogu raadinayo dagaalka,” ayay yiraahdeen Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Afhayeenka Guddiga 33-da ah ee SSC ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada Somaliland ku eedeyay in ay dhibaatooyin badan ka geysteen gudaha magaalada, isaga oo sheegay in khasaaraha ugu badan ee dagaalka uu ka dhashay duqeynta.

“Ciidamada Somaliland waa in ay joojiyaan duullaanka saqda dhexe ay qaadayaan iyo duqeynta ay aroortii ku garaacayaan magaalada Laascaanood, si la isugu soo dhaweeyo labada dhinac,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug.

Waxaa socda dadaalo lagu rabo in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda maalmaha badan ka taagan Laascaanood, taasi oo sababtay geerida in 60 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 qof, sida laga soo xiganayo bahda caafimaadka.

Somaliland ayaa Sabtida soo socota Isimo u diri doonta magaalada Yagoori, halkaasi oo uu ka furmi doono wada-hadal xal nabadeed looga gaarayo xiisadda Laascaanood, sida uu sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool uu galay asbuucii labaad, inkasta oo uu hadda ka qaboobay sidii hore.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleQooe Qoor oo Gudoomiye Cusub oo Markale u Magacaabay Gobalka Mudug
Next articleKenya Oo Dil ugaysatay Al-Shabaab Qaraxyo Wado Ku Aasaysay