Home Wararka Maanta Ciidamo Cusub oo ajaanib ah oo Lagasoo Dajiyay Garoonka magaalada Muqdisho(Sawiro)

Ciidamo Cusub oo ajaanib ah oo Lagasoo Dajiyay Garoonka magaalada Muqdisho(Sawiro)

0

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo maanta kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa keentay ciidamo cusub oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS, kaas oo ka socdo Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Ghana, waxayna ku biiriyaan ciidanka Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Tiro ahaan ciidamadan waxaa lagu qiyaasay illaa 50 askari oo Boolis ah, kuwaas oo lagu soo dhoweeyay xerada Xalane ah oo ah taliska guud ee ciidanka howlgalka Midowga Afrika.

Sidoo kale ciidamadan ayaa u yimid in ay qayb ka noqdaan howlgallada nabad ilaalinta ee ka socdo gudaha Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ciidanka horay u joogay gudaha dalka.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in askartan ay soo qaateen tababaro muhiim ah oo ku aadan  la dhaqanka bulshada, si ay uga howlgalaan gudaha Soomaaliya.

ATMIS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamadani la geyn doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay ka howlgali doonaan muddo sanad ah, waxayna sidoo kale la shaqeyn doonaa ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan halkaas.

Keenista ciidamadan cusub ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray.

Si kastaba, maalmo kahor ayey aheyd markii magaalada Muqdisho ay ku shireen dowladda federaalka iyo waddamada dariska ee la’isku yiraahdo safka hore, kuwaas oo ka hadlay ammaanka guud ee gobolka & sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleFaahfaahin Saldhigyo Waawayn oo Laga Saaray Ciidamada Soomaaliland iyo Dagaal Qaraar oo Wali Socda
Next articleFaahfaahin ku saabsan Arday Soomaali lagu la’yahay dhulgariirkii Turkiga