Home Wararka Somaliya Somaliland Faahfaahin Saldhigyo Waawayn oo Laga Saaray Ciidamada Soomaaliland iyo Dagaal Qaraar oo...

Faahfaahin Saldhigyo Waawayn oo Laga Saaray Ciidamada Soomaaliland iyo Dagaal Qaraar oo Wali Socda

0

Qiiq iyo uuro madow ayaa lagu arkayaa Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood halkaas oo fariisin weyn u ayeyd Ciidamada Somaliland.

Ciidamada difaaca Shacabka SSC ayaa jihooyin kala duwan kaga durkay Gooja-cadde kadib weerarkii ay saaka qaadeen. Xogo dhinaca amniga ah ayaana xaqiijinaya in si daran-doorri ah madaafiic ugu hoobanayso Gooja-cadde islamarkaana qeyba kamid ah dab ka kacay.

Xogaha ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamada Somaliland saaka laga qabsaday Taliskii Maraaga oo ay difaacyo adag kaga jireen.

Dagaalka ayaa qayb-ahaan ka durkay Laascaanood waxaase Ciidamada Somaliland isticmaalayaan hubka waaweyn kaas oo masaafo fog ka soo duqaynaya magaalada.

Duqaymaha qaarkood oo sida lagu warramayo ku soo dhacaya gudaha Laascaanood ayaa khasaare kala duwan sababay.

Ad
Previous articleDuqa magaalada Laasacaanood oo Ka Hadalay Dagaalka Maalintii Sadexaad ka Socda Laasacaanood
Next articleCiidamo Cusub oo ajaanib ah oo Lagasoo Dajiyay Garoonka magaalada Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here