Home Wararka Maanta Faahfaahin ku saabsan Arday Soomaali lagu la’yahay dhulgariirkii Turkiga

Faahfaahin ku saabsan Arday Soomaali lagu la’yahay dhulgariirkii Turkiga

0

Tiro Soomaali ah ayaa kamid ah ilaa iyo hadda lagu la’yahay dhulgariirka ba’an ee ku dhuftay dalka Turkiga, sida uu BBC-da u sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka cabsi qabto in kumannaan carruur ah ay ku dhinteen dhulgariirka ka dhacay Turkiga iyo Waqooyiga Suuriya. Tirada dhimashada ayaa kor u dhaaftay 5 kun oo ruux, halka dhaawacana uu gaarayo 15 kun, Safaaradaha caalamka ee ku yaalla Turkiga ayaa wado dedaallo lagu caawinayo dadka ku waxyeelloobay dhibaatada.

Baraha bulshada waxaa lagu baafinayay dad sheegay in qaar kamid ah eheladooda lagu la’yahay dhulgariirka ka dhacay dalka Turkiga.

Gabadh ku sugan Soomaaliya ayaa BBC u sheegtay in walaasheed oo lagu magaaco Farxiya Cabdishakuur la la’yahay xilli ay ugu war dambeysay inay ku sugneyd mid kamid ah deegaannada uu ku dhuftay dhulgariirka Turkiga iyagoo aan ka war heyn xaaladdeeda.

Waxay sheegtay in walaasheed ay wax ka baratay dalkaas isla markaana ay shaqo ka raadineysay Turkiga.

Safiir Jaamac Cabdullahi Ceydiid ayaa sheegay in ila aiyo dhowr toban oo qof oo Soomaali lagu la’yahay dhulgariirka xilli ay socdaan howlaha gurmadka ee lagu soo badbaadinayo dadka ku dhex go’doonsan burburka dhismooyinka.

“Qaar kamid ah 52-da ardey waanu la’nahay ilaa dhowr toban waana la’nahay intoodi kale waan haynaa wey nabad qabaan waana ay isku xiran yihiin, ardeyda gobollada wax ka dhaceen wey fiican yihiin laakiin gobol ardey baan la’nahay saacadaha soo socda qaar in aan helno ayaa dhici kartaa maadama dalkii uu kala go’ay marba qaar baa la helaya”.

Ad
Previous articleCiidamo Cusub oo ajaanib ah oo Lagasoo Dajiyay Garoonka magaalada Muqdisho(Sawiro)
Next articleP.M Xamse oo tagay Ballidoogle Tababarna usoo xiray Ciidamo katirsan Danab (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here