saabsan qarax galabta ka dhacay degaanka Kalabeyr ee duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasoo Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ee meelaha durugsan laga qarxiyo ayaa lala beegsaday Maqaahi lagu shaaho oo ku taalla degaanka Kalabeyr.
Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, halka saddex kale oo laba askar yihiin ay ku dhaawacmeen sida ay ay xaqiijinayaan dad goob joogayaal ah
Wararka ayaa sheegaya in goobta qaraxu ka dhacay ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland, kuwaasoo mararka qaar halkaas u soo soo doonta shaah iyo cuntooyin fudud.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso halkaasoo haatan lagu daweynayo.
Ciidamada amaanka Puntland ayaa qaraxa ka dib halkaas gaaray, iyagoo sameeyey howgalo aan la ogeyn in dad lagu soo xiray, mana jiro illaa hadda wax war ah oo ay ka soo saareen Qaraxan ooaan looga baran degaankan.