Home Wararka Maanta Safiirka Qaramada Midoobay oo Soo Gaartay Muqdisho Xili Wafuud kale oo...

Safiirka Qaramada Midoobay oo Soo Gaartay Muqdisho Xili Wafuud kale oo Farabadan ay Imaanaayaan(Sawiro)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergeyga dalka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo xoreynta deegaannada.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey dalka Mareykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan gobolka.

Xasan ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cuna-qabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib-udhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyay Danjire Linda Thomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas.

Ergayga Mareykanka u fadhida QM ayuu sidoo kale wuxuu madaxweynaha ka dalbaday in ay qeyb ka noqdaan ololaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa dhankeeda ku bogaadisay madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la-dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen.

Waxay soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.
Ad
Previous articleAlshabaab oo laga Dilay Sadex Horjoge oo sarsare iyp Dowlada Oo war kasoo saartay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka Dhacay Boosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here