Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadan Wadahadal Lalagalo Alshabaab

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadan Wadahadal Lalagalo Alshabaab

0

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xuseen Macallin Maxamuud oo wareysi bixiyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Al-Shabaab, gaar ahaan in dowladda federaalka ay wada-hadal la galeyso kooxdaasi.

Ugu horreyn Xuseen Macallin ayaa meesha in dowladda dhexe uu codsi uga yimid dhanka Al-Shabaab, hadalkaas oo uu shalay shaaciyay Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga.

Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in aanu isbedalin mowqifka dowladda federaalka oo ku aadan dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo si cad u sheegay in aysan wax wada xaajood ah la geli doonin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha kasoo goosta la marin doono nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda.

“Siyaasaddeena ku aaddan wadahadal lala galo Al-Shabaab waxba isma baddelin, wax wada-xaajood ah kulama jirno Kooxda haseyeeshee Shakhsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxaa la marin doonnaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee Dowladda” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhankeeda Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay war kasoo baxay dowladda federaalka oo ay ku sheegtay in kooxda ay codsatay in lala furo wadahadal, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah ee dalka ka socda.

“Ma aanan arkin hadalka aad sheegeyseyo, balse waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara annaga oo mujaahidiinta ah iyo dowladda,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab. 

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, loogana qabsaday kooxda degaano horleh oo gacanta ku hayeen sanado badan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDadkii Fududeeyey Weerarkii Lagu Hoobtay ee Ka Dhacday Degmada Maxaas oo Gacanta Lagu Dhigay
Next articleMadaxweynaha oo Xarigga ka jaray Waddada 30-ka oo Dib u dhis Qurxoon lagu sameeyay