Home Wararka Maanta Dadkii Fududeeyey Weerarkii Lagu Hoobtay ee Ka Dhacday Degmada Maxaas oo...

Dadkii Fududeeyey Weerarkii Lagu Hoobtay ee Ka Dhacday Degmada Maxaas oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Ciidamada ammaanka maamulka Hirshabelle ayaa gacanta ku dhigay dad lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee dadka badan lagu laayay ee dhawwaan ka dhacay degmada Maxaas.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la qabtay lix qof uu sheegay in lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen ama fududeeyeen weeraradii ismiidaaminta ahaa ee 4-tii bishan ka dhacay Maxaas.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha dadka la xiray in ay yihiin kuwa deegaanka oo isugu jiro ganacsato iyo dad caadi ah, waxa uuna xusay in dadkan loo gudbiyay magaalada Baladweyne halkaas oo baaris dheeraad ah lagula sameenayo.

Qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 25-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo intaasi ka badan.

Degmada Maxaas ayaa saldhig u ah ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada Macawuusleyda ee howlgalada kawada qeybo kamid ah gobolka Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana weerarkaasi ka dhacay Maxaas dhaliyay shaki badan oo ku aadan la fududeeyay.

Ad
Previous articleWasiir Khadiijo Diiriye oo Ka Hadashay Amni darada Ka Jirta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadan Wadahadal Lalagalo Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here