Home Wararka Maanta Wasiir Khadiijo Diiriye oo Ka Hadashay Amni darada Ka Jirta Caasimada Soomaaliya...

Wasiir Khadiijo Diiriye oo Ka Hadashay Amni darada Ka Jirta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka qayb-gashay kulan weyne ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan ka muujisay xaaladda Muqdisho.

Khadiijo Diiriye ayaa si adag uga hadashay arrimaha ammaanka ee caasimada, waxayna walaac ka muujisay weerarada iyo falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Banaadir.

“Xamar dhaxal umey helin oo joogto ah waan kasoo horjeednaa iyo hoteel-baa lagu jiraa 24 saac,” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in magaalada ay gudaha usoo galeen xubno firxad ah oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib cadaadiska ay kala kulmeen howlgallada ka socdo gobollada.

Wasiirka Haweenka ayaa ku talisay in laga dhabeeyo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ka hortagga kooxda Al-Shabaab, iyaguna haween ahaan ay garab taagan yihiin.

‘Dadka waxay leeyihiin Khawaarijta Muqdisho kusoo firxadeen qorshe cad ayaana ka yaalla oo aad nagu hoggaamineysay mudane Ra’iisul wasaare,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in haweenka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan doorkooda, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka.

“Haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxay u istaagi doonaan qabashada firxadkaas kooxaha Khawaarijta,” ayey markale tiri Wasiir Khadiijo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay kordheen falalka ammaan dari ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo weeraro toos ah, waxayna kusoo beegmeen xilli Al-Shabaab lagu jebiyay dagaallada ka socdo gobollada.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleP.M Mudane Xamza Cabdi Barre oo Goordhow Safar Dibada Ah U Baxay
Next articleDadkii Fududeeyey Weerarkii Lagu Hoobtay ee Ka Dhacday Degmada Maxaas oo Gacanta Lagu Dhigay