Home Wararka Maanta Madaxwene Xasan Shiikh oo Qalinka Ku Duugay Sharci Cusub oo Dhawaan Ansixiyeen...

Madaxwene Xasan Shiikh oo Qalinka Ku Duugay Sharci Cusub oo Dhawaan Ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

Ad
Previous articleJeneraal Biixi“Waxaan idinkugu bishaareynayaa, ciidan xoog leh oo tababar qaba, hubkoodana wata oo dagaalka inku garabsiinaya ayaa nasoo gaaraya, ciidankaas xoogiisa wuxuu ku sugan yahay gudaha Soomaaliya,”
Next articleDeni iyo Karaash oo Markale Khulaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay Muxuu Salka Ku Hayaa?