Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo Riyaad kula kulmay Madaxweyne Uu Maraykanku Necebyhay (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Riyaad kula kulmay Madaxweyne Uu Maraykanku Necebyhay (Sawirro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda, horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga.

 

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleSweden oo ku Dhawaaqday Xaalad Deg Deg Ah oo dhanka Korontada ah
Next articleDowlada oo Dib u Howlgalisay Ceelashii Degmada Aadan yabaal(Sawiro)