Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo ka socda Gobalka Hiiraan iyo Faahfaahin Kasoo baxaysa

Dagaal Culus oo ka socda Gobalka Hiiraan iyo Faahfaahin Kasoo baxaysa

0

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar culus ku qaaday deegaanka Beerxaano ee kuyaalla koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen deegaanka Beerxaano oo qiyaastii 30-km u jirta magaalada Baledweyne.

Dagaal culus oo saacado socday ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaano, waxaana wararku sheegayaan in Al Shabaab gudaha u galeen deegaanka ay saacado kula dagaalamayeen ciidankii halkaasi joogay.

Saraakiisha ciidanka ee joogay deegaanka Beerxaano ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna sheegeen in ay dib u caawiyeen Al Shabaab ayna kusii daba jiraan firxadkooda.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca wabiga ayaa dhoor mar weeraro kusoo qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan fariisimo ay ku leeyihiin deegaano dhaca koonfurta magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) oo lagu dhax dilay Xafiiskiisa iyo Madaxweyne ka hadlay dilkaasi
Next articleIMF oo Shaacisay in Dowladda Soomaaliya ka gudubtay Shuruudo badan oo lagu xiray