Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Degmada Aadan yabaal Xili Alshabaab laga Saraay...

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Degmada Aadan yabaal Xili Alshabaab laga Saraay Gobalka Shabeelada Dhexe

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal oo dhawaan ay ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle iyo xubnaha wafdigiisa ayaa safar dhulka ah uga tagay magaalada Jowhar iyagoo sii maray deegaano dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowlada.

Ujeedka booqashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu dhiirigelin ugu sameyn lahaa ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ee dhawaan la wareegay gacan ku haynta degmada Aadan Yabaal.

Xubnaha wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ee gaaray degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan,guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh & xubno kale.

Ammaanka degmada Aadan Yabaal ayaa aad loo adkeeyay gelinkii dambe ee maanta,waxayna wararku sheegayaan in shacabka magaalada ku noolaa oo ka barakacay ay haatan bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

Hase yeeshee waxaa magaalada shaqeyneyn ceelashii waaweynaa ee magaalada kuwaasoo la sheegay inay Alshabaab ka bixiyeen qalabkii ay ku shaqeynayeen ceelashada.

Degmada Aadan yabaal ayaa waxaa shabaab u aheyd muhiim hase ahaatee shabaab ayaa hadda shabelaha dhexe kaga sugan oo kaliya Degmada Ruun-Rirgood iyo deegaanka Al-Kawthar. Cali Guudlaawe oo gaaray degmada Aadan Yabaal

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaraykanka Oo Digniin Adag U Diray Ruushka Oo Hub Ka Iibinayo Iiraan.
Next articleDr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) oo lagu dhax dilay Xafiiskiisa iyo Madaxweyne ka hadlay dilkaasi