Hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn dalka Kenya ee Raila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aan madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto shaqada uga joojiyay afar xubnood oo kamid ahaa guddiga doorashada dalkaasi.
Madaxweyne Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar xubnood oo kamid ajaa guddiga doorashada uu kamid yahay guddoomiye kuxigeenka guddiga, kuwaa oo kahor yimid natiijada doorashadii uu ku guuleestay sidoo kale shaki galiyay guushiisa.
Raila Odinga ayaa wax laga xumaado ku tilkmaamay go’aanka shaqo joojinta xubnaha katirsan guddiga doorashada uu ku dhawaqaay Madaxweynaha, waxa uuna xusay in Ruto doonayo in la wareego maamulka doorashada soo socota.
“Iyagu waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan, waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027” ayuu yiri Odinga.
Dibadbaxa ugu horeeya ayaa ka dhici doona magaalada Nairobi todobada bishan December, halka kan labaadna ay qaban doonaan 12-ka December, waxa uuna Odinga ugu baaqay taageerayasahiisa in ay isku soo baxaan.
Xubnaha guddiga doorashada ee Madaxweynaha shaqada ka joojiyay ayaa ahaa kuwii kahor yimid natiijada doorashasiisa, waxa ayna xubnahan sheegeen in ku shabasho iyo khiyaano sameeyay Ruto oo si dirqi ah uga guuleestay Raila Odinga.