Home Wararka Maanta IGAD oo Shaacisay Mowqifkeeda ku aadan in Soomaaliya laga Qaado Cunuqabataynta Hubka

IGAD oo Shaacisay Mowqifkeeda ku aadan in Soomaaliya laga Qaado Cunuqabataynta Hubka

0

Urur Goboleedka IGAD ayaa war cusub kasoo saaray cunaqabateynta hubka ee ay Golaha Ammaanka dhowaan kusii kordhiyeen Soomaaliya, waxaana Ururka uu caddeeyey Mowqifkiisa, kadib shir ka dhacay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan.

Wasiirada arrimaha dibadda ee ururka IGAD oo shirkan isugu yimid ayaa marka hore aqbalay dalab uu u jeediyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) oo ahaa in Soomaaliya lagu garab istaago qorshaha ay ku doonayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee muddada dheer saaran.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in cunaqabataynta hubka ay caqabad ku tahay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ah in la helo nabadgelyo xasiloon, wuxuuna ka codsaday inay IGAD garab istaag buuxda siiso qorshaha Soomaaliya oo Golaha ammaanka markale lagaga codsanayo in laga qaado cunaqabataynta hubka.

“Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa kaashanaysa ururada ay xubinta ka tahay Soomaaliya sida IGAD, Midowga Afrika iyo kuwo kale si loogu guulaysto qorshaha dowladda ee ah in la qaado cunaqabataynta hubka” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Waddamada ku jiro IGAD ayaa ballan qaaday inay taageerayaan Muqdisho, si ay ugu guuleysto dadaalkeeda la xiriirta in laga qaado cunaqabateynta hubka ee haatan saaran.

Dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ayaa isla qaatay codsi kale oo dowladda Soomaaliya soo jeedisay oo ahaa in mashaariicda horumarinta iyo fursadaha hoggaaminta iyo shaqooyinka ururka IGAD si caddaalad ah lagu qaybsado.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalkii asaasay ururka ayaan hellin saamigii ay xaqa u lahayd ee xagga mashaariicda iyo hoggaanka ururka labadaba, sida ay shaacisay dowladda federaalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray deegaanadii ay horey ugu sugnaayeen, inkastoo weli uu howgalku uu socdo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaan Dhawaan laga Saaray iyo Dagaal Culus oo Haatan Socda
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Durbaba Soo Faragaliyay Weerarkii lagu Qaaday Hotel Villa Rose