Horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah IS waxa uu halis geli doonaa haddii Turkiga uu la galo Suuriya ciidamo dhulka ah, sida uu ka digay Pentagon-ka Mareykanka.
Turkiga ayaa duqeymo xiriir ah ka geystay dalka Suuriya, kaddib qaraxii Istanbul, kaasoo ay ku dhinteen lix qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Turkiga ayaa ku andacoonaya in kooxaha YPG iyo PKK ay ka dambeeyeen weerarka, taasoo ay beeniyeen kooxaha Kurdiyiinta.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii ku dhawaaqay in ciidamada Turkiga ay sidoo kale qaadi doonaan weerar dhanka dhulka ah.
– Colaadda oo sii korodha, gaar ahaan haddii ay dhacdo weerar dhulka ah, waxa ay burburin kartaa horumarka adag ee dunidu ka samaysay ISIL, taasina waxa ay khalkhal gelinaysaa xasilloonida gobolka, ayuu u digay xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka, General Pat Ryder.
Maraykanku waxa uu ka walaacsan yahay dagaal dhulka ah oo ka dhici kara Suuriya waxana uu ku baaqay in la xakameeyo.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday