Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Warsaxaafadeed kasoo Saartay Duqayn loogaystay Alshabaab Sawirana Soo Bandhigtay(Sawiro)

Dowlada Soomaaliya oo Warsaxaafadeed kasoo Saartay Duqayn loogaystay Alshabaab Sawirana Soo Bandhigtay(Sawiro)

0

Warsaxafadeed Goordhow Dowlada Soomaaliya Soo saartay Ayaa Sidaan U Qornaa:

WAR SAXAAFADEED

MOGADISHU, 25 November 2022: Inta la ogyahay 15 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubnahaan Khawaarijta ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad baaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaankaan kaas oo lagu dilay 49 dhagar qabe.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Khawaarijta iyo hubkii ay wateen.

Dhanka kale, Khawaarijta Al-shabaab ayaa si wayn loogu jabiyay dagaal saaka ka dhacay magaalada Qaayib ee gobalka Galgaduud, ka dib markii Khawaarijta oo isku dayaya inay arbushaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka.

Goobta waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hadda lagu sii daba jiraa firxadka Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaa shanaysa shacabkeeda ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab si loo helo gayiga Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Degaanka Qaayib Al-Shabaab ku Qaadeen
Next articleAxmed Rashiid: Askariga Dharcadka Caan ka Ahaa Islii oo loo haysto dad uu laayey Maxkamadna Lasoo Taagay