Home Wararka Maanta Waa Maxay heshiiska Qarsoodiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madobe...

Waa Maxay heshiiska Qarsoodiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madobe gaareen(Xog)

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si hoose heshiis uga gaaray qadiyadd muddo badan cakir-neyd, sidda ay xusayaan warar soo baxaya.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, heshiiskan lagu gaarey daaha gadaashiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay qeybta 43 aad ee ciidanka xoogga dalka oo fadhigoodu yahay Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa muddo dheer ka biyo diidanaa qaabka loo wajahayo xaaladda ciidanka xoogga dalka qeybtiisa Jubbaland iyada oo uusan jirin wax heshiis ah oo u dhaxeeya iyaga iyo federaalka.

Axmed Madoobe ayaa doodiisu ahayd in laga talogaliyo qofka loosoo magacaabayo taliyaha qeybta 43-aad, hubka ay helayaan, hawlgalada ay qaadanayaan, askarta la qorayo, iyo waliba mushaarka la siinayo.

Heshiiska labada mas’uul, oo aanan faahfaahintiisa la haynin, ayaa waxaa ka dhashay in markii ugu horeysey muddo 4 sano ah uu Kismaayo tago taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bagmadoow.

Jeneraal Bagmadoow ayaa sanadka markii uu ahaa 2019-kii waxaa laga soo celiyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo sababo ku aadan in Jubaland aysan raali ka ahayn.

Jeneraal Bagmadoow ayaa waxaa horey u magacaabay madaxwaynihii hore Farmaajo. Magacaabidan waxay kusoo beegantay iyada oo Jubaland ay cabashooyin badan ka tirsaneyso maamulkii 15-kii May laga adkaadey.

Tabashooyinka Jubaland waxaa ugu waaweynaa in maamulkii Farmaajo ku sameeyay beegsi gaar ah iyo in uu madaxdii waqtigaas jirtay si gaar ah u doonayeen in ay meesha ka saaraan Axmed Maxamed Islaam.

Warbixinada qaar ayaa muujinaya in maamulka Farmaajo uu dowladaha Itoobiya iyo Kenya kala hadlay qadiyaddan hase ahaatee Nairobi ay si xoogan uga hor-timid ayna halkaas isku seegeen.

Hadda Bagmadoow waxa uu bilaabay kulamo iyo kormeer uu ka samaynayo xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Kismaayo, halkaas oo askarta joogta ay aad u yartahay, uusana oolin saad ciidan oo tiro badan.

Heshiiska cusub ee Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli waddanka uu dagaal ku jiro isla markaana degaanada Jubaland aysan wali ka bilaaban howlgalada lagu soo afmeerayo maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlad goboleedyada oo Xariirka wada shaqeynta Wasaarad ka mid ah federaalka
Next articleAlshabaab oo Bilaabay inay isisoo Dhiibaan Kadib Dagaaladii Qararaa ee Dhawaan lagu qaaday