Wakiilada beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka oo maanta kulan fogaan araga ah la yeeshay Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay kala xaajoodeen arrimaha la isku mari la yahay ee ka taagan doorashooyinka Somaliland.
Xubnaha kulanka ka qayb galay oo gaarayey illaa 10 danjire ayaa walaac ka muujiyey xaalka isku murugsan ee siyaadda Somaliland iyo xasarada ka dhex aloosan Maamulka iyo axsaabta mucaaradka
Waxay sheegeen in loo baahan yahay in la gaaro is faham siyaasadeed iyo dejinta dhabbihii lagu qaban lahaa doorashada iyadoo la ilaalinayo xorriyadda hadalka isla markaana ay Boolisku ka fogaanayaan tacaddiyada.
Wakiilada beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqay in doorashooyinka loo maro hannaankii ay dejiyeen gudddida doorashadu iyo inuu madaxweynuhu kulan la qaato xisbiyada Mucaaridka ah.
Golaha guurtida ayaa dhowaan muddo kordhin u sameeyey maamulka Muuse Biixi oo muddo xileedkiisu ku egyahay 13ka bishan, hase ahaatee waxaa arrintaas si weyn uga soo horjeeda axsaabta mucaaradka oo ku goodiyey iney dibed baxyo lagu dalbanayo doorasho deg deg ah qaban doonaan wixii ka dambeeya 13ka bishan.