Home Wararka Maanta Dowlada Uganda oo hawada u diray Dayax gacmeed (Sawirro)

Dowlada Uganda oo hawada u diray Dayax gacmeed (Sawirro)

0

Dawladda Uganda ayaa ku guulaysatay inay hawada sare dirto Dayax gacmeedkeedii ugu horreeyey.

Dayax gacmeedkan oo ay in muddo ah samayntiisa ku hawlanaayeen Farsamo yaqaanno u dhashay dalkaas oo taageero ka helaya kuwo ka yimid dalka Japan ayaa noqday mid lagu guulaystay tijaabadiisa.

Waxaa lagu wadaa inuu hawlgalo bilowga sannadka foodda innagu soo haya ee 2023-ka.

Dayax gamceedkan Pearl AfricaSat-1 waxa loo adeegsan doonaa kormeerka hawada sare, kor joogtaynta cimilada, sahminta macdanaha iyo raadinta biyaha.

Waxaa lagu wadaa inuu qayb laxaad leh ka ciyaari doono ka hor tagga Masiibooyinka dabiiciga ah, qaabaynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sugitaanka xuduudaha.

Ad
Previous articleUlf Kristershon said that Sweden is fighting terrorism
Next articleBeesha Caalamka oo kahadashay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here