Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble “Inaan dagaalka Al-Shabaab ku dhinto ayaan diyaar u ahay “

Raysulwasaare Rooble “Inaan dagaalka Al-Shabaab ku dhinto ayaan diyaar u ahay “

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa ka warramay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Rooble oo khudbad ka jeediyey madal loogu duceynayey dadkii ku dhintay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee October ka dhacay agagaarka Zoobe ayaa jeediyey baaq culus oo ku aadan in loo midoobo dagaalka adag ee haatan lagu jiro xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in isagu diyaar u yahay inuu dagaalka ka qayb-galo, islamarkaana uu naftiisa u huro xoreynta dalka.

“Aan isbaheysano cadowgaan cadow soo jiray waayey, aniga diyaar ayaan u ahay inaan ku dhinto dagaalka naf kastaa maalinbey ku egtahay, laakiin carruurteena ayaa badbaadeyso” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Roo

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxdu ay kordhisay weeraradeeda, maadaama inta badan deegaanada Hiiraan laga saaray iyo qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay muujineyso in uu sii dhammaado waqtigeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaama dagaal lagu qaaday oo Hiiraan laga soo saaray Jowhar iyo agagaarkeedana ay waxyar ka dhiman yihiin naf la caari waayey dhib waa geysanayaan,” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas deegaano badan looga qabsaday, sidoo kalena jab culus lagu gaarsiiyey.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Gaaray koonfurgalbeed
Next articleNin Taageeri jiray Farmaajo oo qirtay inuu Dilay dad badan farmaajo Dartiis