Home Wararka Maanta Nin Taageeri jiray Farmaajo oo qirtay inuu Dilay dad badan farmaajo Dartiis

Nin Taageeri jiray Farmaajo oo qirtay inuu Dilay dad badan farmaajo Dartiis

0

Mid ka mid ah taageerayaashii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu dhibaateeyey dhowr qof oo mucaarad ku ahaa dowladii Farmaajo.

Ninkaan oo magaciisa la qariyey ayaa la soo xariiray Kheekh Usuuli oo barnaamij ka baxa TV-ga Universal su’aalaha diiniga ah lagu weydiiyo.

Ninka la soo xariiray Sheekha ayaa yiri, “Xiligii dowladii hore ee Farmaajo Allaha xafidee ayaan taageero u ahaa, mucaarad badan ayaa joogay magaalada, ana waan dili jiray qofkii ka soo hor jeeda Farmaajo.”

Ninkaan ayaa sheegay in dadka uusan toos u dili jirin, balse ay garaafo gaarsii jireen, isaga iyo koox kale oo la taageersaneed madaxweyne Farmaajo.

“Dhimasho ma geysan, laakiin dadka inta luuq u galno ayaan nabar xoog leh ku dhufa jirnay, marka dadkaas ma ayagii ayaan cafis weydiistaa? Mise Ilaahey ayaan cafis ka baryaa?” ayuu yiri ninkaan la soo xiriiray Sheekh Usuuli.

Wuxuu sheegay in nin kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda uu ku hagi jiray dadka la beegsanayo ee mucaaradka ku ahaa Farmaajo.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble “Inaan dagaalka Al-Shabaab ku dhinto ayaan diyaar u ahay “
Next articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay natiijada laga gaaray dagaalka Al-Shabaab afar bil kadib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here