Waxa loogu yeero booliiska anshaxa iyo wasiirka warfaafinta ee Iran ayaa lagu daray liiska cunaqabateynta Midowga Yurub Isniintii maanta.
Mowjado mudaaharaad ah ayaa ruxay Iran toddobaadyadii la soo dhaafay, ka dib markii Mahsa Amini (22) ay ku dhimatay gacanta waxa loogu yeero booliska anshaxa.
Aamini ayaa loo xiray inay qaab qalad ah u xiratay xijaabka taasi oo keentay in ay dowlada kala kulanto xarig
Cunaqabatayntan ayaa timid ka dib markii uu talisku dadaal dheer u galay sidii loo joojin lahaa mudaaharaadyo dhowr ah oo ka dhacay dalkaasi.
Ad