Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Shirka Dhuusomareeb ka furmaya iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Qaban qaabada Shirka

Shirka Dhuusomareeb ka furmaya iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Qaban qaabada Shirka

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa xilligaan ka socda diyaar garoowga furitanka shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleed, Hir-Shabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa halka saacadaha soo socda ay tegi doonaan Madaxweynaha Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.

Ammanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa  aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka iyo xaafadaha qaar lagu arkayaa Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo amniga siweyn u xaqiijinaya.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa qoraal ay shalay shirka kasoo saareen ayaa waxaa ay ku dalbadeen in la ballaariyo lagana qeyb-geliyo Midowga Musharixiinta ,Ururada Bushada rayidka iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka wallow aan qoraalkooda laga jawaabin.

Shacabka Soomaaliyeed & xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaa ay isha ku hayaan shirka Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo in Go’aan looga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleDagaal wali ka socda Gobolka Galgaduud iyo Khasaaro laga soo sheegayo Dagaalka
Next articleSawiro:- Ciidanka Galmudug iyo kuwa DFS oo dilay Shabaabka Xalay Hoobiyaasha ku soo tuuray Dhuusomareeb