Home Wararka Somaliya Dagaal wali ka socda Gobolka Galgaduud iyo Khasaaro laga soo sheegayo Dagaalka

Dagaal wali ka socda Gobolka Galgaduud iyo Khasaaro laga soo sheegayo Dagaalka

0

Dagaalo horleh ayaa kasoo cusboonaday degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca dad farabadan.

Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Duleedka Deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud, waxaana uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex qof halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana maleeshiyaadka dagaalamay ay kasoo kala jeedaan degaannada Galinsoor iyo Dhabad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale dagaal galay Maalintii Saddexaad ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka degaanka Xananbuure ayaa waxaa ay sheegeen in dadka badi ay ka barakaceen dagaalka, iyaga oo ka cabsi qaba in uu waxyeelo kasoo gaaro dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed ee hubeysan.

Laamaha Amniga Galmudug & Madaxda Sare ee Maamulkaas weli kama hadlin dagaalka, waxaana uu kusoo aadayaa xilli degaannada Galmudug ay ku sugan yihiin Madaxweyne farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble & inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada.

Ad
Previous articleSawiro:- Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb
Next articleShirka Dhuusomareeb ka furmaya iyo Wararkii ugu danbeeyay ee Qaban qaabada Shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here