Dayuurado dagaal ayaa xalay ka geystay degaanno u dhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya
Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab oo ku yaalla degaanka Bulacle iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Ceelbuur.
Goob joogayaal ku dhow degaanadaas ayaa sheegay warbaahinta iney maqleen jug culus oo ah duqeynta ay dayuuradaha dagaalka geysnayeen.
Duqeyntan oo inta badan ay fuliyaan dayuuradaha Mareykanka ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaana weli wax war ah ka soo saarin.
Duqeynta ayaa timid ka dib markii gelinkii dambe ee shalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerareen deegaanka Sina-dhaqo oo 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb halkaasoo ay isku fara saareen ciidamada Gorgor ee DF oo maalmo ka hor halkaas la wareegay.