Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Macawislayda Oo Bilaabay inay Gowracaan Alshabaabkii ay Qabtaan.

Ciidamada Macawislayda Oo Bilaabay inay Gowracaan Alshabaabkii ay Qabtaan.

0

Dagaal-yahanada Macawiisleyda ayaa dilay ugu yaraan 45 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, ayaga oo gowracay qaar ka mid ah, waxaa sidaas xaqiijiyey goobjoogeyaal, xilli shacabka gobollada dhexe ay xoojiyeen dagaalka ka dhanka ah kooxdan.

Gowracan ayaa dhacay Sabtidii kadib dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka socdo kacdoonka ugu xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Al-Shabaab ma xoog badna, dadka ayey gubaan, gowracaan oo meydadkooda dhigaan jidadka si ay u argagax geliyaan shacabka,” waxaa sidaas yiri Axmed Cabdulle oo ka mid ah odayaasha Hiiraan.

“Hadda waxaan ku sameynay sidaas si la mid ah: Waxaan amarnay in la gowraco dagaal-yahanada Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Muuqaallo lagu baahiyey barta Telegram ayaa muujiyey ugu yaraan laba ka mid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab oo la gowracay iyo meydadka tobanaan kale oo dagaalka lagu dilay.

Goobjoogeyaal dhowr ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa xaqiijiyey dhab ahaanshaha muuqaalladaas.

“Al-Shabaab waa na caddibeen…sidaas darteed, dadkeena waxay go’aasadeen inay is xorreeyaan. Gabadheyda ayaa sidoo kale ka dagaalameysa furunta hore, waxay haysataa AK-47,” waxaa sidaas tiri Xaliima Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dagaal-yahanada Macawiisleyda ayaa 10 deegaan ka qabsaday Al-Shabaab toddobaadyadii dhowaa, sida uu sheegay Xasan Faarax oo ka mid ah odayaasha gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, shacabka Galmudug ayaa hubka qaatay oo dagaalka dhankooda ka wada.

“Toddobaadkan, waxaan dib u qabsanay sagaal xaafadood,” ayuu yiri Axmed Shire Falagle oo ah wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

“Kacdoon xooggan ayaa ka socda maamul goboleedka Galmudug.”

Dowladda federaalka ayaa Sabtidii ciidamo u dirtay Galmudug si ay u xoojiyaan dagaal-yahanada deegaanka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horraantii bishan waxay duleedka Beledweyne ku dileen 18 qof oo shacab ah ayaga oo kadibna gubay baabuur, taasi oo sii kicisay dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa u muuqda kii ugu dambeyn looga adkaan lahaa Al-Shabaab, loogana xoreyn lahaa dalka.

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay Al-Shabaabkii lagu laayey Hiiraan iyo Sh/Hoose
Next articleReer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar oo xaniban