Home Wararka Maanta Muuse Biixi: “Xasanow adigoo Burundi iyo Uganda ay ku ilaaliyaan, Somaliland uma...

Muuse Biixi: “Xasanow adigoo Burundi iyo Uganda ay ku ilaaliyaan, Somaliland uma awood sheegan kartid”

0

Madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar ka mid ah mucaaradka Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa dhaliilay hadal madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dalka Mareykanka, oo ahaa in dowladdiisu aanay marnaba ogolaaneyn in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay Soomaalida ku dhaqan magaalada Washington ee dalka Mareykanka iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay in dowladdiisu aanay aqbalayn gooni-isu-taagga Somaliland isla markaana wax gorgortan ah ka gali doonin midnimada Soomaaliya.

Balse hadalkaasi ayaa ka caraysiiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe.

Faysal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in Somaliland ay markii horeba ku khaldanayd in wax wada-hadal ah la yeelato dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay maareyn la’ xallinta dhibaatada gudaheeda.

“Xasan Sheekh malaha waxa uu is leeyahay shacbka reer Soomaaliya oo aan jecleyn inay Somaliland dal noqoto raali gelli, marka afka unbuu iska xumeynayaaye wax awood ah oo ku leeyahay Somaliland gooni isu taageeda ma jirto.”

“Somaliland horeyna dal ayay u hayd oo dal kale ku darsaday gobol ma aysan ahayn hadana dalkeedii gacanta ayay ku haysaa.”

“Adduunkuna Xasan ma dhegysanayee, ee waa daneystayaal oo dalkasta dantiisa ayuu eeganayaa marka dalkii anaga dan naga leh isaga inoo iman doono ee Xasan ka fasax qaadan mayaan, anigu waxaan leeyahay afka ha iska xumeyn Xasanow.”

“Anaga iminka isku jeednee maalintii ay doorasho noo dhacdo aan gudahaya hagaagsano waad arki doontaa in aanu wax laba sano ka badneyn heli doono ictiraafka yaga. Adduunku waxbaa la kala iibsadaa ee macdantii baanu leenahay, istaraatijiyaddii baanu leenahay, aqoontii baanu leenahay, dad nabad iyo dimuqraadiyad jecel oo mideysan baanu nahay marka isagoon wixiisa adkeysan inuu Somaliland ku ordo khalad ayay ahayd.”

Dhanka kale madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna si kulul uga jawaabay hadalka Xasan Sheekh eek u qotoma gooni isu taagga Somaliland.

“Horta gooni isu taagga Somaliland waxa uu ahaa go’aan ay soo gooyeen oo isku raaceen shacabka Somaliland, hadba madaxdii joogtana wakiil ka ahayd, taana ma ahan mid Xasan Sheekh iyo Xamar nin jooga wax laga weydiinayo.”

“32 sano dal madax bannan baanu ahayn, hadalkaa aad tiri cadaawadda unbuu sii kordhinayaa, caqli xumana wey tahay marka waxaan ku leeyahay laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah ma ahaanaa waa haddii ay adiga ku deeqeyso.”

Muuse Biixi oo sidoo kale jawaabayay hadalkii Xasan sheikh ee ahaa: “ Waxaan oggolahay in wixii hormarin ah aan siino, ma dooneyno inaan culeys ku saarno muruqayaga siyaasadeed,”  ayaa yiri: Haddii aad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay, maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ah ee Afrika soo uruurisay.”

“Waxaan la yaabanahay inaan faanto oo aad tiraahdo Somaliland muruqeyga uma isticmaalayo adigoo Burundi iyo Uganda ku ilaaliyaan,”ayuu yiri Muuse Biixi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleKoontaroolka Magaalada Gaalkacyo oo Maalintii labaad U xiran Beel ka mid ah Beelaha Sacad(Sawiro)
Next articleAlshabaab oo markale Gubay Degaan ku Yaala Gobalka HIiraan Xili Dagaal Adag lagu Qaaday